Madax waynaha dowlada sheikh  shariif  ayaa sheegay in laga bilaabo maanta dalka la galiyay xaalad deg deg ahi              Isniin   22/06/09 Codka    Nabadda
  
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaga dhawaaqay Xarunta Madaxtooyada xukun deg deg ah oo dalka la gelinayo, kadib markii ay sidaas soo jeediyeen maalmo ka hor Golaha Wasiirada.
 

Madaxweyne Shariif oo shir jaraa'id wariyeyaasha ugu qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad qatar ah,isagoona ku baaqay in Dowladda la difaaco,waxaana uu sheegay in kooxo argagixiso ay dalka ku soo duuleen.

Sheekh Shariif ayaa difaacay dalbashada ciidamada dalalka deriska oo ay dowladda u yeeratay in muddo 24-saac ku soo galaan dalka si ay u difaacaan, waxaana uu sheegay in dalka la doonayo in la geliyo xaalado adag.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay dalbatay dowladdiisa aanay aheyn kuwo dhibaato u keenaya shacabka, waxaase uu tibaaxay inay yihiin kuwo wiiqaya awoodaha kooxaha dowladiisa ka soo horjeeda.